Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo si kulul uga Hadashay Go’aankii kasoo baxay Gudoonka BFS

September 27, 2015 (Ceegaag) — Xildhibaanad Fowsiyo Yuusuf X. Aadan oo ka mid ah Xildhibaannadii Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul maanta uga Hadashay Go’aankii kasoo baxay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ahaa in Qaab wadahadal dhameynayo Mooshinka Madaxweynaha laga keenay.
Fowsiyo ayaa sheegtay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sh. Cismaan Jawaari uusan ahayn gudoomiye Maxkamadeed, balse uu yahay afhayeenka baarlamaanka, uuna dhinac maray shaqadii loo ig-maday.
“Guddoonka Baarlamaanku ma laali karaan Mooshinka 93-Xildhibaan ayaa soo gudbiyeen, xildhibaanada sheegay waan ka laabanay Mooshinka waa kuwo iska hadalay, balse waxaan leennahay Guddoomiyaha Baarlamaanka awood uma lahan in uu laalo Mooshinka, waayo isagu xaakim ma ahan, waxaa leh taas maxkamada ama haddii ay jirto maxkamad dastuuri ah, isaga waa inuu gudbiyo oo kaliya, isaga waxaan ka yeelnay si aanu waddanku qal-qal u gelin Wadahadal in la galo, Laakiinse ma ahayn inuu wax laalo ama diido ama wax la mid ah sameeyo,” ayay tiri Xildhibaanad Fowsiyo Yuusuf oo la hadlaysay Warbaahinta.
Xildhibaanada ayaa sheegtay in Xildhibaanadii sheegay in laga been abuurtay saxiixooda Mooshinka ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu sii Fogeeyo Mooshinka Madaxweynaha Somalia ka dhanka ah.
“Laba Xildhibaan ayaa sheegay inay ka laabteen Mooshinka oo been abuur lagu sameeyay saxiixooda, Laakiinse waxaa yaalla Caddeymo ah inay qayb iyagu ka yihiin Xildhibaanada keenay Mooshinkan, Waana Qorshe la doonayo in Mooshinka lagu sii Fogeeyo,” ayay mar kale tiri Xildhibaanad Fowsiyo Yuusuf.
Sidoo kale, xildhibananad Fowsiyo Yuusuf waxay sheegtay in markii hore ay Guddoonka Baarlamaanka Somalia ka Aqbaleen Wadahadal, Taasoo Micnaheedu ahaa in lagu Xalliyo Qaladaadka ay sheegayaan Xildhibaannada Mooshinka ka keenay Xasan Sheekh.
“Wadahadalka innaga ayaaba Ogolaannay, Madaxweyne Xasanna isaga ayaaba Codsaday, waxa laga hadlayo waxay ahaayeen qaladaadka aan sheegnay in lagu saxo si wadahadal ah, qaarkood waa la saxay oo waan aragnay, marka baarlamaanku waa sharci ilaaliyaha, haddii aan wixii khalad ah ee jira aanan ka hadal waxaan ahaanaynaa calooshood u shaqeystayaal meel fadhiya,” ayay xildhibaannadu ku daratay hadalkeeda.
Ugu dambeyn, Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Waxay Xustay in wixii maanta ka dambeeya aysan jiri doonin cid uu la Xisaabtami karo Baarlamaanka, Sababtuna waxay ku sheegtay in Guddoomiye Jawaari uu ku xad-gudbay sharcigii.
“Maanta kaddib Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare ama Cid Dalka Dambi ka gashay Sharciga laguma qaadi karo, Sharcigii ummadda Soomaaliyeed waa la dumiyay, Baarlamaan dambe cidi wax ma weydiinayso, Jawaarina sidaas ayuu ku taliyay,” ayay hadalkeeda kusoo xirtay Xildhibaanad Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply