Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdirashiid Dheere ayaa la sheegay inuu u dhintay xabad uu ku dhuftay Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Magaaladda Hargeysa.
Lama Oga Sababta uu xildhibaanku xabadda ugu dhuftay Marxuumka oo maydkiisii la dhigay Cusbitaalka Weyn Ee Magaaladda Hargeysa, halka Xildhibaankana ciidamadda Booliska Somaliland ay xabsiga u dhaadhiciyeen.
Dhacdadan ayaa si weyn looga hadal hayay Magaaladda Hargeysa, waana markii ugu horeysay ee Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka ee Magaaladda Hargeysa uu qof shicib ah gacantiisa ku dilo,
Maamulka Somaliland ilaa iyo hadda kama hadlin Dilka loo geystay Marxuum Cabdirashiid Dheere , waxa uuna noqonaaya Dilkaasi mid aan horay loo arkin oo Deegaanka Hargeysa ku cusub
Figradihiina