Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
April 5 (Ceegaag)— Kooxo hubeysan ayaa maanta barqadii weerar ku qaaday gaari uu la socday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo weerarkan uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Xildhibaan Maxamed Cali Daheeye ayaa la sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaaray rasaas lagu furay gaari uu la socday oo marayay agagaarka Bacadlaha Xamar weyne, waxaana weerarkaas ku dhintay Darawalkii gaariga iyo nin ilaalo u ahaa.
Weerarka ayaa waxaa fuliyay dabley hubeysan oo gaari wadatay, waxaana markii ay rasaas ku fureen gaariga uu la socday Xildhibaanka ay isla markiiba baxsadeen.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in falalkan ay ka mid yihiin kuwa horay uga dhacayay magaalada, waxaana uu xusay in aan wali Maamulka Gobolka si rasmi ah loogu wareejin ammaanka Gobolka.
Goobta lagu weeraray Xildhibaanka ayaa waxay u aheyd halkii lagu dilay labo maalin ka hor Sarkaal ka tirsan nabadsugida oo lagu magacaabi jiray Mahad Faarax
Xildhibaan Maxamed Cali Daheeye ayaa 27-kii April sanadkii 2015 ayaa loo dhaariyay xubinimada Baarlamaanka, markii lagu bedelay Xildhibaan C/llaahi Qayaad Barre oo bishii Febraayo sanadkii 2015 lagu dilay degmada Xamar Jajab.
Ceegaag.com
Figradihiina