Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xildhibaan Qoone “Waa la soo afjaray kala aragti duwanaantii ka jiray dhismaha Guddiga farsamada”

November 8 (Ceegaag)— Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone oo ka mid ah mudanayaasha ka tirsan baarlamaanka Federaalka ah ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in la soo afjaray kala aragti duwaantii ku wajahneyd dhismaha guddiga farsamada ee maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa bishii hore ku dhawaaqday Guddiga farsamada Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo ka kooban 14-xubnood, waxaana durbaba ka hor-yimid Guddiga bulshada labada gobol iyo qabaa’ilada dega oo saluugay habka loo qeybiyay xubnaha guddiga.
Xildhibaan Qoone ayaa ku amaanay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka dadaalka ay ku soo afjartay murankii ka dhashay dhismaha guddiga farsamada iyo sida ay dhexda ugu xiratay xalinta arrintaasi, isagoo soo dhaweeyay in madaxda Wasaaradda ay socodsiiso howshii uu qaban lahaa Guddigaasi.
“Waxaa soo dhoweynayaa kala aragti duwanaanshihii ka jiray dhismaha Guddiga farsamada labada gobol iyo sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha u soo afjartay murankaas”ayuu yiri Xildhibaan Qoone oo la hadlayay Warbaahinta.
Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone ayaa ku booriyay bulshada ka soo jeedda labada gobol in ay gacan ka geystaan dhismaha maamulka la doonayo in loo sameeyo Gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.
Dhowaan ayaa la filayaa in la bilaabo howlaha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay sheegtay in la dhisi doono maamulkaas ka hor inta aanu dhamaan sanadkanka 2015.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply