Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Meel-Mariyay Maanta Sharciga Qoxooti-ga iyo Barakacayaasha

Feberaayo 03 (Ceegaag) — Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ayaa kulan ay maanta ku yeeshay Muqdisho waxay Cod ugu Qaadeen Sharciga Qaxootiga iyo Baraka-cayaasha oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.
Kulankii baarlamaanka ee maanta waxaa Goob-joog ka ahaa 156 mudane, waxaana 155 ka mid ah ay codkooda siiyeen sharicgan, halka Hal mudane oo keliya uu ka aamusay, iyadoo guddoonka baarlamaanka ay ku dhawaaqeen in sharcigu uu yahay mid sharci ah.
“Sharcigan waxaa u codeeyay 156-xildhibaan oo kulanka goobjoog ka ahaa, 155 xidhibaan ayaa ogolaaday, hal mudane wuu ka aamusay, mana jiro xidlhibaan diiday sharcigan, sidaa daraadeed sharcigan waa mid sharci ah,” ayuu kulanka ka yiri guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka federaalka Somalia, Jeylaani Nuur Iikar oo shir-guddoominaye ahaa.
Hindise-sharciyeedkaan ay maanta meel-mariyeen Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ayaa wuxuu soo maray Marxalado kala duwan, iyadoo Baarlamaanka la Hor-geeyay bishii December ee sannadkii 2013-kii, isagoo maray gabi ahaanba akhrisyadii sharciga ahaa.
Dhanka kale, sharciga Qaxootiga & Barakacayaasha ee xubnaha baarlamaanka Somalia ay maanta Meel-mariyeen ayaa lagu dhaqi doono Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalalka dariska ah ku nool iyo Soomaalida ku barakacay dalka gudihiisa.
Ugu dambeyn, Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa waxay maanta Gudo-galeen ka doodista sharciga maareynta shidaalka dalka, kaasoo ay soo gudbisay Wasaaradda Tamarta iyo Shidaalka Xukumadda Somalia.
Gunaanadkii Wasiirka Tamarta iyo Shidaalka Somalia, Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo la hadlay xildhibaanada baarlamanka Somalia ayaa sheegay in sharcigaan uu muhiimad weyn u leeyahay maareynta kaalmaha Shidaalka Soomaaliya & sidii loo Waafajin lahaa Sharciga dalka.
Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply