Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
December 8 (Ceegaag)— 89 Xildhibaan oo ka mid noqonaya Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa maanta lagu dhaariyay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, kadib markii muddo bilooyin ah odayaasha dhaqanka ay ku howlanaayeen soo xulista xildhibaanada dega saddex gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Munaasabad lagu dhaariyay oo saaka ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Urur Goboleedka IGAD.
Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa soo dhoweeyay dhaarinta Xildhibaanada, waxaana uu kula dar daarmay inay gutaan waajibaadkooda.
Xildhibaanadan ayaa la sheegay in afar sano ay shaqeynayaan oo maanta uga bilaabaneyso, halka Madaxweynaha Koofur Galbeed uu hal sano dhameystay, isla markaana saddex sano ay u hartay.
Intii ay socdeen howlaha soo xulista Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa waxaa ka dhashay murano u dhaxeeyay odayaasha iyo qaar ka mid ah beelaha dega saddexda gobol oo saluugsanaa qaabkii wax loo soo xulayay, inkastoo aan la ogeyn halka ay ku dambeysay cabashadaas.
Xildhibaanada la dhaariyay ee ahaa 89 xubnood ayaa 9 ka mid ah ay ahaayeen haween, waxaana la filayaa in la gaarsiiyo 105 Xildhibaan, waxaana Guddiga farsamada soo xulista Xildhibaanada ay sheegeen in inta hartay dhowaan la soo dhameystirayo.
Ceegaag.com
Figradihiina