Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xildhibaankii ugu horeeyey ee katirsan Baarlamaanka Cusub ee Somalia oo xalay Muqdisho lagu Dilay

Kooxo Hubeysan ayaa caawa maqribkii ku dilay Xaafada Cali Boolaay ee degmada Waabari Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo lagu magacaabi jiray Mustaf Xaaji Maxamed, kaasoo ka mid ahaa xildhibaanada cusub ee dhowaan loo dhaariyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.Wararka ayaa sheegaya in kooxaha dilka ka dambeeyay oo ahaa ilaa saddex dhalinyaro oo bastoolado ku hubeysan ay ku toogteen Xildhibaanka agagaarka Hoygiisa, markii uu ka soo baxay Salaadii Maqrib.

Xildhibaakan la dilay ayaa ahaa Sodogii Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, waxaana uu dhalay xaaskiisa labaad.

Qof goob jooge ah ayaa sheegay in ragga dhalinyarada markii ay toogteen ay durba goobta ka baxsadeen, iyadoo dhaawac xun oo soo gaaray markii loola cararay Isbitaalka ugu dhintay.

Xildhibaankan la qaarijiyay ayaa noqonaya xildhibaankii u horeeyay oo ka mid ah Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka lagu dilo magaalada Muqdisho.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sii xumaaneysa, iyadoo ay ku soo kordhayaan dilalka qorsheysan iyo qaraxyada.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag