Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xildhibaano ka soo horjeestay go’aankii lagu tuuray mooshinkii Madaxweynaha

September 26 (Ceegaag)— Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay go’aankii ka soo baxay Guddoonka Baarlamaanka ee lagu sheegay in la tuuray ama la soo afjaray mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
War shalay ka soo baxay Guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in mooshinka la soo afjaray, isla markaana uu u gudbay marxalad wada hadal ah.
Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Madaxweynaha ayaa sheegay in aan la tuuri karin mooshinka, isla markaana go’aanka Guddoonka uu yahay mid aanay u dhameyn oo ahaa mid Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha ku kooban.
“Go’aanka ka soo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka wax macno ah uu ku fadhiyo lama arko, mana ahan mid wax ka bedelaya wixii socday, mana ahan wax sahal ah looga dulqaadi karo qof, wax ka jirana lama arko,cid u hogaansameysana ma jirto”ayuu yiri Xildhibaan Goodax oo la hadlayay Idaacada BBC-da
Xildhibaan Goodax oo sii hadlayay ayaa yiri “Guddoonka uma dhama waa hubnaa waxaan waa wax Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ay moodeen inay wax xalineyso runtii xildhibaanada niyad samida muujiyay ee rabay waxaan hadii garawsho uu ka bixin karo Madaxweynaha la arko ee laga wada xaajoodo, Baaq ayayna Xildhibaanada ka soo saari doonaan”
Mar la weydiiyay inay ka qeyb galayaan wada hadalka uu ku baaqay Guddoonka Baarlamaanka inay isugu yimaadaan 7-da bisha October ayuu sheegay in aysan ka qeyb geli doonin.
“Wada hadalka kuma qasbani, mana tageyno Xildhibaanada ayaana go’aan ka gaaraya Guddoomiyaha arrintan dhex dhexaad kama ahan, wuxuu leeyahay wa la soo afjaray sii jiritaanka mooshinka, hadii mooshinka la soo afjaray waxa laga wada hadlayo maxay tahay”ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in aan mooshinka la tuuri karin, isla markaana mooshinka Madaxweynaha uu yahay mid culus, isla markaana aanu aheyn wax warqad lagu tuuri karo sida uu hadalka u dhigay.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in 7-da bisha soo socota ee October la qaba doono wada hadal lagu dhameynayo arrimaha mooshinka, iyadoo kulanka ay ka soo qeyb galayaan, Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Xildhibaanada mooshinka keenay iyo kuwii ka soo horjeeday.
Ceegaag- muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply