Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Soomaalida waxay Tiraahdaa “Qof aad Barashadiisa Rabtid Jid la mar, Jabad la Xaaro ama Jadiin la cun, Raga maanta hor boodaya Kubadda Cagta Soomaaliya, waxaan ugu hiiliyey Qalinkeyga, mark aan sidaa leeyahay waxaan doonayey in isbedel uu ku yimaado Kubadda Cagta ee Soomaliya maadaama ay ahaayeen Dhalinyaro Waqtiga uu saacidey Xaalada Kubada Cagta Soomaliyana hore u dhaqaanjin kara, is qab qabsi ka dib doorasho Ka dhacdey Baydhaba ayaan ka mid noqdey Xubnaha Xiriirka Kubbada Cagta, dadka Mucaaradka waxay sheegi jireen in Xiriirka Kubadda Cagta u gacan galey dad aan Ehel u ahayn, Hadaladaas waxaan ka mid ahaa dadkii sida aadka u naqdin jirey ( Allow nin aan wax ogeyn ha Cadaabin) waxaana marar badan u sheegey Masuuliyiintii iga sareysey in wax laga bedelo sida ay wax ku socdaan ka dib markii aan arkey Qaladaad Jirey oo iigu muuqdey in ay ragaadin karaan Kubada Cagta Soomaaliya
Kulan ka mid ah Kulamadii Caadiga ahaa ee Xiriirka ayaa waxaan isla soo Mutaxay in isbedel Xoog leh lagu sameeyo Dhaqaalaha la siiyo Cayaartoyda Qaranka iyo kan Garsoorayasha oo markaas aad u hooseeyey hase yeeshee waxaa si cad la ii yiri erey aan qalibigeyga ka Go’in oo ahaa “ Ha nagu Barin Lacag intaa ka badan “, Markii uu iga soo yeerey Warkaas ayaa waxaa la igu qaadey weerar iyo in la i gacan bidixeeyo oo la igala dhuunto Shirarka Muhiimka ah gaar ahaan kuwa Dhaqaalaha Khuseeya, Aakhirkiina waa la iga saarey Xiriirka Kubada Cagta aniga iyo Laba nin oo kale. waxaan shirqoolkaas ragii ka dambeeyey qaarkood ku iri “Maanta waad na riixdeen laakiin maalin kale ayaad garan doontaan oo aad ka qoomameyn doontaan” wax walbaana waxay u dhaceen sidaan Filayey oo ahayd Rag badan ay maanta Dibada ka joogaan Xiriirka Kubada Cagta
Xiriirka soo marey Heerkaas waxaa uu ku taagnaa Sepp Blatter oo muddo dheer soo xukumaayey Kubada Cagta adiuunka oo maanta lagu soo eedeyey Musuqmaasuq iyo laaluush qaate waxaa soo Xasuustey hadalkii Ilaahay ha u Naxariisto Faarax Sendiko 2002, uu Caalamka u sheegay in Blatter uu laaluush qaate yahay, una ballan qaaday 100.000 Doollar si uu ugu codeeyo uuna iska diiday, balse cidina kama dhegeysan oo Sendiko ayaaba la ganaaxay. 13 sano kaddib ayaa haatan la ogaaday xaqiiqdaas oo Blatter lagu soo eedeeyay ee Musuq Maasuqa iyo Laaluushka, ,
Lacagaha ka yimaada FIFA ee faraha badan ee la doonayey in lagu hormariyo Kubadda Cagta Soomaaliya waa la Lunsadaa oo wax isbedel muuqda oo la sameeyey ma jirto marka laga reebo Cowska Macmalka ah ee la dhigey Garoonka Banaadir, waxaa kale oo la Lunsadey Lacagihii laga heley Shirkadda Tuskar ee Qamriga, iyo Lacagihii kale ee laga heley Dowlada Qadar, Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub, Tusaale Lacagtii laga heley Xiriirka Qadar ee loogu tala galey in Cayaartooyda la siiyo oo Muddo Bil ah ku tababaranayey Magaalada DOHA ayaa waxa dhacdey in Cayaartooydii Soomaaliyeed markii ay tageen Dalka Masar 12-ka mid ahi ay goostaan ka dib markii ay waayeen Saamigii Lacagta Dowlada Qadar Dhinaca kale waxaa jirey in Dowlada Federaalka iyo Puntland ay Dhaqaale ku bixiyeen Tartankii ka dhacay Magaalada Garoowe waxaana dhacdey in Cayaartoy fara badan oo ka yimid Gobolo fog fog looga dhuunto Magaalada Gaalkacayo.
Hadaba Waxaas oo Musuq iyo Laaluush ah ma jirin cid loo sheegi karo Maadaama Madaxweynaha FIFA Blatter uu ahaa ninka Difaacayey Musuqa ay ku kacayeen Madaxda Xiriirka Kubada Cagta ee Soomaaliya, Waxaa Hubaal ah oo Marag ma doonta ah is casilaada Sepp Blatter ay saaameyn weyn ku yeelan doonto Hanaankii Musuqa ee Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya maadaama la qabtey Aabbihii Musuqa Adduunka, mar haddii arrintu sidaa tahay sow Agoon ma aha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya ka dib is casilaada Madaxweyne Blatter, oo run ma noqon Qayla dhaantii Alaha u Naxariistee Faarax Sendiko ee ahayd in Blatter uu Laaluush qaate yahay.
Figradihiina