Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xisbiga ANC oo ugu baaqay Dowladda K/Afrika inay ka laabato Xubinnimada Maxkamadda ICC

Oktoobar 12, 2015 (Ceegaag) — Xisbiga muxaafadka ah ee dalka Koonfur Afrika ayaa ugu baaqay xukuumadda inay ka laabato xubinnimadeeda maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka [ICC].
Hadal uu ka jeediyay madaxa xiriirka caalamiga ah ee xisbiga ANC, Obed Bapelo kulan maalintii sadexaad u socda golaha dhexe ee xisbiga ayuu ku sheegay inay weli iyagu ku dhagan yihiin qodobbadii sababay inay maxkamadda ku biiraan, balse maxkamadda ICC ay ka leexatay waddadii saxda ahayd.
“Maxkamadda ICC ma ahan mid si cadaalad ah kula dhaqanta dadka oo dhan,” ayuu yiri Bapela. Isagoo intaas ku daray. “Koonfur Afrika weli waxay haysataa calanka xuquuqda aadanaha dunida.”
Sidoo kale, Xisbiga ANC ayaa aamisan in dalalka awood leh ee aan saxiixin heshiiskii lagu dhisay maxkamadda ay awood u leeyihiin inay go’aan ka gaaraan isbedel ay ku sameeyaan dhanka ciidamada, sida burburintii Liibiya oo aanu amaan buuxa ka jirin.
“Waxaa jira in waddamada awood leh ay diideen inay ku biiraan maxkamadda ICC, waayo waxay adeegsadaan awoodo dheeri ah oo ka ka horimaanaya heshiiskii lagu dhisay ICC. Marka waxaan doonaynaa in maxkamadda ICC dib u habeyn lagu sameeyo si ay u noqoto maxkamad caalami ah, taasoo si cadaalad ah ula dhaqanta qof walba,” ayuu Obed Bapelo hadalkiisa ku daray.
Bapela ayaa hadalkiisa ku daray in sidoo kale Qaramada Midoobay looga baahan yahay in ay wax ka bedel ku sameyso golaha ammaanka, si ay uga mid noqdaan wakiillo aan ahayn kuwa Yurub.
Xisbiga ANC ayaa bishii Juun ee sannadkan 2015-ka ka horyimid go’aan ay maxkamadda ICC ku weydiisatay xukuumadda Koonfur Afrika in la xiro madaxweynaha dalka Sudan oo xilligaas u joogay Koonfur Afrika ka qaybgalka shirka guud ee ururka Midowga Afrika.
Isla xilligaa ayuu Obed Bapela ku baaqay in Koonfur Afrika ay ka baxdo maxkamada ICC, isagoo xusay in Koonfur Afrika ay si iskeed ah uga mid noqotay maxkamadda, ayna hadda awood u leedahay inay si iskeed ah uga baxdo.
Dhanka kale, dowladda Koonfur Afrika ayaa ku gacan-sayrtay codsigii ay ICC kaga dal-batay in la xiro madaxweynaha Sudan, Cumar Xasan Al-bashiir oo u joogay ka qaybgalka shirkii Midowga Afrika ee dalkeeda lagu qabtay, iyadoo u ogolaatay Cumar Al-bashiir in uu si nabad-galyo ah kaga baxo dalkeeda.
Ugu dambeyn, xukuumadda Pretoria ayaa bishii lasoo dhaafay sheegtay inay ka fiirsanayso go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICC ay kaga dalbatay inay dalkeeda ku xirto Al-bashiir, inkastoo aanay weli wax warbixinta u gudbin maxkamadda ICC.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply