Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

XOG: Dowlada Somalia oo Isku Fahmil’a Qeybsashada Safaaradaha Loo Soo Magacaabay (SAWIR)

War lagu kalsoon yahay oo naga soo gaarayo dhanka Villa Somalia, ayaa xaqiijinaayo in Madaxda Dalka ay isku fahmi la’yihiin qaabka loo kala qeybsan lahaa Safaaradaha lagu wado in dhawaan la magacaabo.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xassa iyo R/wasaare C/weli iyo wasiirka Arrimaha dibada ay wadaan tiro koobka Safaaradaha dhaqaalaha leh ee Dowlada Federaalka Somalia ugu yaalo Caalmaka.

Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaa iyagu la rumeysan yahay in dhex dooda uu ka jiro culeys dhanka Safaaradaha, Rw ayaa isagu qaba in Safiirada cusub loo kala qeybsho 4.5, halka Madaxweynahana uu qabo in xilalkaasi loo qeybiyo caadi si halkaasi looga saaro isla xisaabtanka, wallow aan la garaneynin halka uu ku biyo shuban doono damaca heerkaasi gaarsiisan.

Maalmahaani ayaa waxaa Madaxtooyada laga hadal haayay in lasoo koobayo tirada Safaaradaha, iyadoona loo sababeynayo dhaqaalo xumi heysata DFS, wallow ay jiraan warar hoose oo taa ka duwan.

Dhanka kale, Xafiiska Madaxweyne Xassan ayaa la sheegayaa inuu yaalo Liis lagu soo hardhay ganacsato iyo Siyaasiyiin kuwaasi oo la sheegay in loo wado xilalkaasi cusub shaqsiyaadka loo magacaabi doono Safaaradaha soo socdo.

Ceegaag Online

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply