Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xoghayihii Madaxwaynihii Hore ee Puntland Genel Cadde Muuse oo Xabsiga Magaalada Boosaaso Loo Taxaabay

Wararka ka Imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland ayaa ku soo Waramaya in Ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso ay Xafiiskiisa ay kala baxeen Xoghayihii Hore ee Madaxwaynaha Puntland Faarax C/laahi (Faarax Gaab) udoomiyaha Gobolka Bari C/samad Maxamed Galan ayaa Maanta waxa ay Saxaafada wax ka weydiisay Xariga Faarax C/laahi (Faarax Gaab) oo ahaa Xoghayntii Madaxweynihii Hore ee Puntland Gen Cadde Muuse kaasi oo ay ciidamada Amaanka Maanta Xireen.

Gudoomiye Galan ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Bari uusan War Buuxda ka hayn Xariga Xoghayntii Madaxweynihii hore ee Puntland Balse waxaa uu xusay in hadii ay cid Danbi Gesho ay dhacayso in la xiro Cadaaladana La hor keeno isaga oo sheegay inay Ka soo sheegi doonan Marka si rasmi ah loo shaaciyo Xariga Faarax C/laahi.

Faarax Gaab waxaa Saaka Barqadii waxaa Ka kaxaystay Xafiiskiisa Magaalada Boosaaso Ciidamo uu la socdo Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari Cismaan Cawke Afdalow kaasi oo aan ilaa iminka la ogeyn halka lagu xiray.

Ma jirto cid si rasmi ah u faahfaahisay Xariga Faarax Gaab hayse Yeeshee waxaa warar lagu kalsoonan Karo ay sheegayaan In Faarax lagu eedeynaayo inuu ka mid yahay Dad Uu maamulka Gobolka ku eedeyay Arimaha Amaanka Gobolka Bari inay Lidi kuyihin

Xariga Faarax C/laahi ayaa iminaya Xilli Maanta Kulan ku saabsan Amaanka Gobolka Bari iyo Degmada Boosaaso lagu qabtay Kaasi oo looga Hadlayay Sidii looga Hortagi  Lahaa Dad Ka wada Gobolka Bari Abaabulo Amniga Lidi ku ah

 

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag