Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Iska hor imaad xoogbadan oo ay qowmiyada Oramadu doonasay inay xukunka uga qaada Cabdi Maxamed Cumar ayaa dhicisoobay kadib markii shacabka magaalada Jijijiga ka dhiidhiyeen isku daygii ay doonayeen inay xoog ugu casilaan Madaxwaynaha Cabdi Maxamed Cumar.
Warar ay helaso Ceegaag ayaa xaqiijinaya in ay habeenimadii xalay uu Cabdi Maxamed Cumar ku war galiyay golihiisa wasiirada inuu gobolka Soomaalida uu ka go’ayo dawlada federaalka ee Itoobiya.
Hadalkaa oo loo wariyay dawlada dhexe kadibna sooka ciidamo federaal ah lasoo galiyay magaalada jigjiga. Magaalada Jigjiga ayaa hada degan kadib markii saaka ay ka dhacday boob iyo gumaad loo gaysanayay dadka aan Soomaalida ahayn e deganaa magaaladaa.
Talaabadan ayaa soo afjarasa taladii ay Itoobiyaka talinayeen deegaanada Soomaalida ee Ogaden, dawlada Itoobiyana kama soo kabsan doonto sumcad xumada iyo jabka ka raacay Jigjiga.
Figradihiina