Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maarso 27 (Ceegaag)— Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in magaalada Garowe u tagaan, sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen wada hadalo u dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, kaasoo looga hadlayo arrimaha hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in wakiilada beesha caalamka ee tagi doona Garowe ay goob joog ka noqon doonaan dhamaadka wada hadalada dowladda Federaalka iyo Puntland ee ku aadan sidii Puntland u qaadan laheyd nidaamka 4.5 oo ay kol hore ka biya diiday.
Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ku qanciya Madaxweyne C/wali Gaas sidii uu u aqbali lahaa qaabkan, waxaana inkastoo kulamadii aanu wali wax war ah ka soo bixin, hadana waxaa la sheegayaa inuu jiro is afgarad horu dhac ah.
Kulamadii u dambeeyay ee Puntland iyo xubnaha beesha Caalamka ayaa natiijo la’aan ku dhamaaday, markii wafdi uu hogaaminayay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya oo Garowe u tagay xal u helida diidmada Puntland ka muujisay nidaamka doorasho ee Soomaaliya ka dhici doono.
Lama oga go’aanka ay Puntland ka qaadan doonto dadaalada mar kale la doonayo in xal looga gaaro hanaanka doorashooyinka Soomaaliya, waxaase dad badan qiyaasayaan in culeyska ay wajaheyso Puntland ay suura gal ka dhigi karto in tanaasul ka sameyso diidmadeeda 4.5
Ceegaag.com
Figradihiina