Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdilaahi Cali Ciid oo sheegay in ay dawlada Dr. Cabdiwali Gaas ay dayacday Xuduudaha Puntland kadib markii si ku dhufo oo ka dhaqaaq ah uu ku yimid Madaxwaynaha maamulka Somaliland dawlada Puntland na ku dhici wayday inay tidhaahdo Laasqoray waxay ka mid tahay Puntland.
Warar hoose oo aanu helano ayaa sheegaya in Gobolada ay degaan beelaha Warsankgali iyo Dhulbahante ay Itoobiya cadaadis ku saartay Puntland inay hoos tagaan Maamulka Somaliland.
Dhinaca kale Beesha warsangali ayaa haatan u dhaqaaday dhinaacaa iyo jidkii ay Khaatumo ka qaaday maamulka Puntland. Kadib markii ay Puntland ku dhici wayday inay sheegato deegaanada Warsangaliga siiba magaalada Laasqoray oo kaabada u saran magaalo ganacsiyeed Boosaaso.
“Wixii Jira dib baanu u eeganaa wixii jira anaga ayaa ka xaajoonana Wax aanu garano inaanu aragno ama wax aanu ku qanacno inaanu samayno” Garaad ciid oo hadal cad ku yidhi sidii Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac.
Talaabadan ayaa u eeg mid ay qaybkale oo reer Puntland ahi uga diga roganayaan Maamulkaa.
Ceegaag.com
Figradihiina