Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
October 24 (Ceegaag)— Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in bisha soo socota ay qaban doono shir wadatashi loogaga hadlayo dhismaha Xisbiyada siyaasada dalka, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay ay isa soo tarayeen ku dhawaaqitaanka Xisbiyada siyaasadeed.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa ayaa sheegay inay socdaan qorshayaal lagu dhisayo xisbiyada siyaasadeed, si loo gaaro halka la hiigsanayo mustaqbalka, kaasoo ah in dalka uu u gudbo nidaamka xisbiyada badan.
“Sharciga Axsaabta siyaasada waxaa uu hada hor-yaallaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaa bisha November qaban doonaa shir wada rashi oo looga hadlayo dhismaha Xisbiyada siyaasada, waxaan shirkaas wixii ka soo baxa horgeyn doonaa Golaha Wasiiradda”ayuu yiri Wasiir Odawaa.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in marka ugu dambeysa sharciga axsaabta siyaasada loo gudbin doono Baarlamaanka Soomaaliya, si ay u meel mariyaan.
Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxay horay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqeen Xisbiyo siyaasadeed, inkastoo aan wali Baarlamaanka meel marin sharciga axsaabta.
Qorshaha sanadka 2016 dalka lagu gaarsiinayo doorasho ayaa qeyb ka ah nidaamka xisbiyada oo la doonayo in Baarlamaanka lagu soo xulo, iyadoo la filayo in meesha laga saaro nidaamkii 4.5 ee si beel ah loogu soo xuli jiray
Ceegag-muqdisho
Figradihiina