Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
July 5 (Ceegaag)— Xulka K/cagta ee Chile oo sanadkan marti gelinayay Koobka Latin America ee loo yaqaano Copa America ayaa rigoorayaal ciyaartii Finala waxay 4-1 kaga badiyeen xulka Argentine.
Ciyaar xiiso laheyd oo ka dhacday garoonka magaalada Santiago ayaa waxay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar aad u xiiso badneyd.
Labada koox ayaa weerar iyo weerar celis, waxay sagaashankii daqiiqo isla dhaafi waayeen goolal la’aan, waxaana jiray fursado aad dahabi u ahaa oo labada kooxood ay iska qasaariyeen.
Daafacyada Chile ayaa aad u ilaalinayay Messi oo dhowr jeer abuuray fursado gool loo fishay, waxayna Chile u muuqatay koox isku tashneyd oo ka go’neyd in aanay Argentine si sahal ah dalkooda Koobka uga qaadin.
Goolhayaha Chile Claudio Bravo ayaa labo fursadood oo halis aheyd bad baadiyay, taasoo Argentina u suura gelin laheyd inay inta aan la aadin rigoorayaal ku kala baxdo.
Sagaashankii daqiiqo iyo labadii gelin ee ciyaarta waxay ku soo dhamaatay goolal la’aan, waxaana waqtigii dheeriga ah kadib, rigoorayaal ayaa labada kooxood loo dhigay, waxaana 4-1 ku badisay Chile oo kula hoyatay Copa America.
Chile ayaa waxaa rigoorada guusha u dhaliyay ciyaaryahanka u ciyaara Kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez, kaasoo goolhaye Romero u diray meel qaldan, balse Argentine waxaa rigoorada ka khasaariyay ciyaaryahanada Higuain iyo Banega, halka Messi kaliya uu u dhaliyay,
Figradihiina