Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xulka Soomaaliya oo looga adkaaday ciyaar ay Addis Ababa kula yeelatay dhiggooda dalka Niger

Oktoobar 10, 2015 (Ceegaag) — Xulka Qaranka Somalia ayaa looga adkaaday ciyaar ka tirsanayd is-reeb-reebka koobka Adduunka ee sannadka 2018-ka ka dhacaysa Ruushka oo ay maanta magaalada Addis Ababa kula yeesheen xulka dalka Niger.
Ciyaarta oo ahayd mid adag ayaa waxaa xulka Qaranka Somalia looga badiyay 2-0, iyadoo labadan gool uu xulka Niger u dhaliyay laacibkooda Moussa Maazuo, isagoo kala dhaliyay labada gool daqiiqadihii 58-aad iyo daqiiqaddii 61-aad ee qabta labaad ee ciyaarta.
Mid ka mid ah goolasha ay dhaliyeen xulka Niger ayaa ahaa gool-ku-laad ama rigoore lagu galay weerarka xulka dalka Niger Changchun Yatai, kaddib markii lagu jillaafay xariiqda goosha xulka Somalia.
Xulalka Somalia iyo Niger ayaa waxay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan, iyagoo qaybtii hore ee ciyaarta ay labada kooxood ku kala nasteen bar-barro 0-0 ah, balse waxaa xulka Somalia la quusiyay qaybtii labaad.
Intii ay ciyaartu socotay ayuu garsoorihii ciyaarta bixiyay afar calaamad oo kuwa digniinta ah ee jaallaha ama huruudda, iyadoo laba ka mid ah calaamadana la siiyay laba ka mid ah ciyaartoyda xulka Somalia; halka labada kalena la siiyay labada kale la siiyay ciyaartoyda xulka Niger.
Ciyaartoyda Somalia ee calaamadda huruudda ah la siiyay ayaa kala ah; Cabbaas Amiin Maxamed iyo Cabdinaasir Axmed, halka labada ciyaartoy ee Niger ay iyagana kala yihiin; Amadou Djibo iyo Amadou Moutari.

Sidoo kale, ciyaartan lugteeda labaad ayaa waxay ka dhici doontaa 13-ka Oktoobar 2015-ka, magaalada Niamey ee xarunta dalka Niger, iyadoo haddii laga adkaado xulka Somalia uu ka harayo is-reeb-reebkan, halka Niger ay la ciyaari doono waddamo kale oo Afrikaan ah sida xulka Cameroon.
Ugu dambeyn, waxaa caawa iyagana ciyaar ka mid ah is-reeb-reebka koobka adduunka ee lagu qaban doono dalka Ruushka sannadka 2018-ka dhexmari doontaa xulalka waddamada Gambia iyo Namibia, ciyaartan oo ah lugtii koowaad.
KULAMADII HORAY U DHEXMARAY SOMALI IYO NIGER;
xulalka Qaranka waddamada Somalia iyo Niger ayaa sannadkii 1980-kii waxay isaga hor-yimaadeen xulka dalka Niger, ciyaartaas oo ku dhammaatay bar-barro 0-0 ah, balse xulka Niger ayaa ku adkaaday gool-ku-laadyo.
Ugu dabmeyn, isla sannadkii 1980-kii ayay mar kale labada Xul Qaran waxay isaga hor-yimaadeen ciyaar kale oo ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium oo ku dhammaatay bar-barrro 1-1, waxaana mar kale xulka dalka Niger ay kaga adkaadeen xulka Somalia rigoorayaal ama gool-ku-laadyo.
Ceegaag- muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply