Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Waxaa xalay ku geeriyooday wadanka Maraykanka gaar ahaan magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minesota mudane Xuseen Samatar Garabyare oo ahaa siyaasigii ugu horeeyay ee kamid noqda madaxda maamusha Gobolka Minesota waxuuna si aqlabiyad ah ugu guulaystay Xubin ka mida Golaha Waxbarashada Ee Gobolkaasi Minesota oo uu guul ka keenay musharaxnimadiisa.
Xuseen waxa uu aasaasay hayad lagu magacaabo African Development Center (ADC) oo ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Afrikaan ah wax weyn ka caawisa.
Waxaa tacsi nasoo gaadhsiiyay Naima Sh. Yuusuf oo ku hadlasa afka Jaaliyada Reer Jubaland ee Boston iyaga oo u tacsiyadeenaya qoyskii iyo qaraabadii Marxuum Xuseen Samatar Garabyare isagana ilaahay uga baryaya inuu naxariistii jano ka waraabiyo Aammin.
Figradihiina