Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Afhayeenka beesha Liibaan-Geshe Harti oo dhaliil usoo jeediyeye odayaasha dhaqanka ee hogaanka Hartiga. Afhayeenka ayaa sheegay beesha Liiban-Geshe oo ah beeraleey iyo xoolo dhaqato nabadda iyo wada noolasha jecel ee deegaanka Waamo iyo Juba ayaa waxay dhaliilayaan sida beelaha Harti wax u qaybsadeen oo ay xubintoodii barlamaanka loo duudsiyey .
Waxaan u sheegaynaa Hogaan dhaqameedka Harti inay Beesha Reer Liibaan-Geshe cadaala daro ay ka tabanayso sida loo qaybiyey xildhibaanada beelaha Hartiga. Maxaa yeelay beesha Liibaan-geshe waa beesha keliya ee Harti ee deegaanka ku abtirsada oo xaqooda la duudsiiyey .
Waxaan hogaanka sare ee maamulka Jubaland usoo gudbinaynaaa in Beesha Liibaangeshe Harti oo ah beelaha deegaanka, Qayb wanaagsan ka qaadatay nabadda, horumarka iyo dhismaha maamulka Jubaland in aanan cidna ugu jirin Barlamaanka Jubaland oo ay tabanayaan cadaalad daro.
Afhayeenka Beesha Dr. CABDULQAADIR Diriye Yusuf
Figradihiina