Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Yuusuf Xuseen Jimcaale oo loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir

October 26 (Ceegaag)— War rasmi ah oo ay heshay Ceegaag.com ayaa sheegaya in Guddoomiyaha cusub Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho loo magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale, kadib markii xilkaas laga qaaday Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Sida ay sheegayaan wararka warqada magacaabista Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa goor dhow ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha, waxaana saacadaha soo socda lagu wadaa in si rasmi ah ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha u shaaciso.
Afhayeenka Madaxweynaha Daa’uud Aweys ayaa xaqiijiyay in Xasan Maxamed Xuseen Muungaab xilka laga qaaday, isla markaana Madaxweynuhu uu u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Ilo ku dhow dhow Guddoomiyaha cusub ee la magacaabay ayaa u xaqiijiyay Ceegaag.com in Mr Yuusuf uu gacanta ku heysto warqadiisa magacaabista, uuna kaliya sugayo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay si rasmi ah uga dhawaaqdo.
Magacaabistan ayaa ku soo beegantay saacado ka hor safar Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu gelinka dambe ee maanta ugu ambabaxay Boqortooyada Sacuudiga Carabiya.
Xil ka qaadista Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Mr Muungaab ayaa ku soo aaday, iyadoo uu Muqdisho ka maqan yahay, isla markaana ku sugan yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo uu howlo shaqo u joogo.
Guddoomiyaha cusub ee la magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ku soo waxbartay dalka Masar, waxaana uu ka mid ahaa Xisbigii Madaxweyne Xasan Sheekh ee PDP, isagoo ka ahaa Xoghayaha Arrimaha Gudaha.
Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply